Skip to main content

Safarka Gobollada waa Tijaabadi Kowaad ee Rabitaanka Farmaajo Loo Hayo


Madaxweyne walba wuxuu xilka la wareegaa isagoo aad loo jecel yahay. Ayaamaha malabku waxay ku dhamaadaan si dhaqso ah, bilo gudahoodna waxaa bilowdo niyad jab ka dhasho fulin la’aanta ballammadi la qaado marka doorashada lagu jiray kuwaas oo aan xaqiiq ku dhisnayn.

Waddamada Galbeedku, waxaa la gala doorashooyinka dowladaha hoose, labo sano gudahood, halkaas ayaana laga ogaadaa in laga soo booday xisbiga talada hayo iyo in kale oo haddii wali la rabo xisbiga talada hayo ayaa ku guulaysto kuraasta ugu badan dowladaha hoose.

Si la mid ah madaxda adduunka, ayaa madexweyne Farmaajo rabitaan, uu hagayo rajada laga qabay fulinta ballan-qaadyadiisi, lagu qaabilay. Hasa ahaatee, muddo gaaban gudaheed waxaa si tax ah u dhacay dhacdooyin jareexeeyay madaxweynaha. Dhiibistii Qalbi-dhagax, qarixii 14ka Oktoobar, khilaafki maamul goboleeyada iyo weerarki guriga Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa dadka ku dhaliyay su’aalo badan.

Wariyayaal caan ah sida Jamaal Cusmaan iyo aqoonyahanno iyo diblomaasyiin heer sare ah sida Abuukar Armaan ayaa tilmaamay in arrimahaan kalsoonidi shacabka dhulka la galeen Farmaajana uu gaaray meel uusan kasoo noqon karin.

Maadaama innagu aynu lahayn doorashooyin hoose iyo xisbi talada hayo toona way adag tahay inaan ogaanno in madaexweynaha wali la rabo iyo inkale. Meelaha kaliya ee laga qiyaas qaato ayaa ahayd baraha bulshada iyaguna runnimadooda ayaan shaki badan ku jiraa.

Hasa ahaatee, safarki uu dhawaan ku tagay deegaannada Puntland waxay ahayd fursad aan ku ogaan karno waxa dadku ka aaminsan yahay hoggaaminta Farmaajo iyo halka ay gaarsiisantahay taageerada loo hayo.

Qaabki loo soo dhaweeyay, tirada dadka isu soo baxay, halku-dhigyada la isticmaalayay iyo shucuurta shacabka shaahadaha ka daawanayay ayaa ahayd mid si cad looga fahmi karay in calanki Farmaajo uusan dhicin. Farriimo dhowr ayaa muuqaalka guud kasoo baxay kuwaas loo diray kooxaha dowladda ku kacsan iyo madaxda maamul goboleedyada.

Kow, dadku waxay muujiyeen in Farmaajo u aqoonsanyihiin ruuxa waddanka ugu sarreeyo isagana uu xambaarsan yahay sharafta Soomaaliya. Waa sababta calanka soomaaliya looga sara mariyay midka Puntland, dharki gabdhaha loo xirayna xijaabka looga dhigay calanka Soomaaliya goonnadina midka Puntland.

Shacabka ayaa halkaas ku caddeeyay in dowladda dhexe ay aaminsanyihiin kuna aamineen sharafkooda iyo maslaxadoodsa. Taas ayaa meesha ka saartay, erayadi ay maamulladu ku doodayeen ee ahaa dowladdu danaha meelaha aan ka talinno annagaa ka og iyo 90% dalka innaaga xukunno.

Labo, waxaa farriin culus loo diray qolyaha ku doodayo isbadal lagu sameeyo madaxda dalka ugu sarrayso ayaa loo baahanyahay. Kooxdaan ayaa shacabka ku beer-laxawsanaysay, dowladda shacabkeedi cadowga u dhiibtay inay sii joogto maahan. Shacabka ayaa ku jawaabay, inkastoo khalad badan uu jiro haddana wali waxaan u aragnaa Farmaajo samata bixiyaha Soomaaliya.

In Farmaajo looga kalsoonaado kuwa kasoo horjeedo waxaa aad u xoojiyay mucaaradka oo ay horboodayaan shaqsiyaad cambaar leh. Sidoo kale, hebel ha la tuuro mooyee, wali lagama hayo mucaaradka qorshahaan oo ka fiican kan hadda yaallo ayaan dalka u hagaynaa. Sidaa darteed shacabku waxay yiraahdeen “wax la hubo waxaan la ogayn ku doorsan mayno”.

Ugu danbayn, shacabku wuxuu mandhayd siiyay madaxweynaha kaas oo ay ugu sheegeen inay wali la dhacsan yihiin kalsoonina ku qabaan. Kalsoonidaan ay shacabku muujiyeen ayaa ahayd mid ay dowladdu aad ugu baahnayd waayo waxay ku jirtay xaalad adag dacaayad maal badan lagu bixiyayna waa lagu waday.

Hadda waxay heleen taageero ay sanad kale ku shaqayn karaan, inay dayacaan fursaddaan labaad iyo inkale, waxaa la ogaan doonaa bilaha soo socdo, waxaana is leeyahay khaladaadki hore cashar kama aannan baran way adag tahay in mar kale laga yeelo mudane Farmaajo iyo dowladdiisa.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *