Skip to main content

Naftiinna Ha Habaarina


Habaarku waxa uu ka mid yahay dagaalka lagalo noocyadiisa ugu halisan, habaarku waxa uu keenaa cirib xumo uusan keeni karin dagaalka gacanta ah, qofka la habaaray oo lala helay wuxuu sanado badan la baartaa cirib xumada iyo natiijada ka dhalato habaarka lagu gamay.

 Waxaa kale oo la arkay inuuba ka talaabo xuduuda qofka la habaaray oo uu u gudbo faraciisa illaa dhawr fac.

Habaarku waa noocyo badan yahay ee waxaa ugu halisan midka uu qofku mutaystay ee waalidka iyo qaraabada ay ku gantaalaan qofka.

Waxaa jiro mid aabi iyo gardarro ugu dhoco qof aanwaxba galabsan balse waalidkii uu ku halgaaday si qooq iyo iskawarqab la aanah ugu dhoco.

Midkaan danbe dad badan oo bari ah ayuu dhibaateeyey reero badan oo ladan oo saldanada xajinwaayey barwaaqada Allaah siiyey ku mahadeedii laga waayey  ayuu kooraha u gadiyey.


Inta badan wuxuu ka imaadaa waalid iskala waayey oo nimcadu ka badatay waxaad maqli heblo iyo hebel iyaga oo qoys buuxo ah ayay ishabaari jiteen caruurta habaari jireen, xoolaha habaari jireen illaa qoyskii uu noqday gal guray oo ay kasoo hartay dad aan macno lahayn oo aad mooddo geedo-rifan.

Aniga nin oday ah ayaa igu yiri waxaan ahaa guradanbays xanuunloow ah oo aan lagu xisaabtamin wiilal iyo gabdho walaalahay ah oo iga weyn waxtar ahna ay dhooban yihiin waxaana kusoo qaangaaray Aabahay iyo Hooyaday oo is habaaro Aabahay wuxuu dhihi jiray midkaan(aniga) ayaan cidda kaaga soo reebay sidii ayay moqotay oo wiilashii oodhan iyo gabdhihi waa laqmadeen anigaan aad arkaysid ayaa wax firay oo macno leh  ka jiro.

Hadaba walaalayaal aan ka ilaalino habaarka ilmaheena Nabiguna wuxuu yiri:

وعن جابر رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا تدعوا على أنفسكم ولا تدعوا على أولادكم ولا تدعوا على أموالكم لا توافقوا من الله ساعة يسأل فيها عطاء فيستجيب لكم رواه مسلم
(Naftiina ha habaarina oo awlaada ha ahaabrina oo xoolihiina ha habaarina waxaa jiro saacado samadu furan tahay oo waxa aad Allaah waydiisataan idiin yerlayo).

Gardarada-habaarku sii kala daranevkawaran hadaad ilmhadaa u habaarto adiga oo diidan  wanaag uu qaraabada u sameeyey.
Meeshu waa baadiiye waa labo qoys oo hal nin wada lee yahay minweyn leh caruur qaangaartay iyo minyaro umul ah ilmo yaryarna haysato waxaa kale oo joogo odayga reerka hooyadii oo cad ah.

Badanaa baadka (daaqa) xooluhu cunnaan iyo biyaha way kala fogyihiin  amin danbe ayuu kacaa qofka dhaaminayo.

Waxaa jirtay gabar reerka uwaynayd oo ahaa  qof Allaah doortay hawlkar baarri ah  oo reerka oodhan udhaamin jirtay.

 Ilaa sadex rati ayay soo dhaamin jirtay hooyadeed, eedadeed iyo ayaydeed ayay midba rati u dhaamin jirtay kaligeed ayaa inta isku xiriirsato awrta  soo dhaamin jirtay.

Arintii waxaa ka biyo diiday hooyadeed marar badana gabadha kala hadadashay inaysan naagta biyo usoo darin gabadhiina waxa ay tiri eedaday oo umul ah aniga oo joogo biyo masoo darayso.

Hooyadii habaar lawada maqlayo ayay gabadhii u miistay har iyo habayn maalitii danbe waxa ay tiri ( Heblooy Ilaahay waxaan ka baryay in lagugu dhoqo biyaha aad keenayso)

Markii ay gabadhii dhaankii furtay ayaa garabka salkiisa la tumaatiyey  oo fajal-mawd la daray isla matkiina dhimatay biyihii ay keentayna lagu dhaqay.

Sheekooyinka ku saabsan qoysaska is habaaray oo isla helay aad ayay u badan tahay. Waalid badan ayaa caruurtoodii oo baariyaal ah u adeegayo habaar ku dulshubay oo uu ku dhacay illaa maantadan aynu joogno hoogii ka dhasahy habaarkii kibirka iyo caqli xumada ahaa wuxuu baday la il daran.

Waxaa kale oo aad maqlaysaa (dumarkaa ubadane) qofku marka uu la kulmo waxoogaa dhibaato ama imtixaan yar isaga oo leh: (war yaa ihabaaray oo ila helay).

Walaalayaal nolosha aduunyadu iyadaaba iska ah  imtixaan joogto ah marna wanaag saafi ah lama helayo wax aad dhibsatana lama waayayo.

Waxa ay u baahan tahay inaanu sabir iyo dulqaad ku kabno oo aan u adkaysanno mashaakilkeeda joogtada ah saxna ma aha Waxkaste oo aadan doonayn marka ay kugu dhacaan in aa tahay qof habaaran oo bacaw ah.

Hadaba walaalayaal aan ka digtoonaano habaarka halaga waaniyo dadka qaraabada ah ee ishabaarayo.

W/Q Maxamed Ibrahim Xasan

mohamedhasannur@gmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *