Skip to main content

Ilmaha Badiya aan Badbaadnee


Waxaa ayaamahaan warbaahinta soomalida kusoo batay xayaysiimo looga gol leeyahay in lagu yareeyo caruurta ay dhalaan dadka soomaaliyeed. Mid ka mid ah xayaysiimahaas ayaa ciwaan looga dhigay “hooyo ubadka kala kori”. Ii-dhehdaan ayaa waxaa lagugu tusayaa hooyo kaligeed ah oo haysato caruur isku nuug ah, oo intii mid ay xafaayada ka badalaysay kii kale dabka kusii ordayo, markay kaas soo qabo dhahdo kii u jiifay sii cararayo dabadeed daal iyo noog dhinac ula dhacayso.


Sawirkaan oo lagu muujinayo dhibaato weyn oo ay qabaan hooyiyinka soomaaliyeed, tasoo oo ay sababtay ilmaha badan, ayaa waxaa ka qayb qaadanyo culumo akhrinayo aayado Qur’aan ah kuwasoo ay u daliishanayaan inay muhiim tahay in ilmo yar la dhalo iyagoo u dhigayo qaab ilmo-kala-korin ah.

Intaas waxaa dheer war bixin ay sida wada jirka usoo saareen UNICEF iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay qabaan caruurta iyo hooyooyinka soomaaliyeed dhibaatooyin badan sida dhimasho waqtiga foosha. Dhimashadaan ayaa sabab looga dhigay yaraanta lagu guursado gabdhaha iyo ilmaha oo la isku dha-dhaweeyo. War bixinta ayaa tala soo jeedinteeda ku dartay in gabdhaha aan lagu guursan da’ ka yar 18 sano iyo in, sidoo kale, caruurta la kala fogeeyo.

Arintaan ku saabsan la dagaalanka caruurta badan ayaa ah mid ku salaysan inaan loo helayn cunto ku filan. Aragtidaan waa mid fac weyn jirtayna intuu gaal jiray balse qaabka hadda loo isticmaalo ayaa ah mid kasoo askuntay aqoonyahan Ingiriis ahaa oo la oran jiray Thomas Robert Malthus. Malthus ayaa 1798 qoray risaalo uu magic daray “An Essay on the Principle of Population”. 

Risaaladan ayuu Malthus ku sheegay inay muhiim tahay in la yareeyo dadka waayo, ayuu yiri, korniinka caddadka dadka iyo wax soo saarka dhulku isuma dheeli tirra, taasina waxay sababi doontaa, sida ay isagu ula muuqatay, inta la wayo wax  la cuno in la iksu laayo kheyraadka yar ee adduunka yaal dadkuna u dhaqmo sida dugaaga.

Arigtida Malthus ayaa aad u xoogaysaytay sanadihii 50aad ilaa 70aadki waqtigaas oo reer Galbeedku qarash badan ku bixiyeen inay waddamada soo korayo qaataan waxa loo yaqaan qorshaynta qoys (family planning), taasoo macnaheedu ahaa in dadka laga dhaadhiciyo inay xaddidaan tirada caruurta ay dhalayaan. Dadaalkaan oo waddamo badan laga qaatay ayaan looga guulaysan Soomaliya. Guul darradaas waxaa sabab u ahaa in dadka waday qorshaynta qoyska aysan culumo ku jirin soomaaliduna u arkaysay dadka dacwadaas waday kuwa afkaar gaalo faafinayo.

Laakiin hadda waxaa la badalay qaabkii warku ahaa iyo dadkii waday intaba. Meeshii laga oran jiray dhalmada yareeya waxaa laga dhigay kala koriya ilamaha. Maadaama la bartay inay soomaalidu tahay dad diin jecel, Qur’aan iyo axadiis ayaa loo akhriayay. Waxaad mooddaa ol’olahaan cusub inuu saamayn weyn ku yeeshay dadka soomaaliyeed in badanna ay hadal hayaan waxa loo bixiyay kala korinta dhallaanka. Haddaba maxaa dan inoogu jiro inaan dhalmada yarayno mase runbaa hadii ilmaha la yareeyo inay maalka qoysku badanayo?

Jawaabtu waxay tahay danteennu mid qaran iyo mid qoysba waxay ku jirtaa inaan ilmo badan dhalno. Dadka badan waxaa uu keenaa dhaqaalo badan iyo harumar balaaran. Aduunka waddamada ka jiro, waddanba kan kale intuu ka dad badan yahay waa ka dhaqaale badan yahay, kana awood badan yahay. Tusaale usoo qaado Maraykanka, Shiinaha iyo Hindiya. Waddamadaan ayaa ah kuwa ugu dadka badan adduunyada haddana ugu dhaqaalaha badan. 

Labada dal ee danbe oo ah kuwa dad ku nool midkiiba ka badan yahay dhammaan dadka ku nool qaaradda Africa ayaa la filayaa inay soo saari doonaan kala baroo bar dhaqaatiir caalam marki la gaaro sanada 2050ka. Tan labaad haddii dad yaraantiis qani lagu noqonayo waddamo badan oo Afrikaan ah sida jabuuti iyo Gambiya ayaa taajiri lahaa.

Midda xigta, soomaalida waa dad yar kuna nool dhul aad u ballaaran kheyraadkiisuna dihin yahay. Sidoo kale waxaa daris la ah dalal cadow u ah tiro ahaana aad ooga badan kheyraad ahaanna ka saboolsan. Marka si aan dhulkeenna u intifaacsanno waa inaan u dhalnaa dadkii wax kasoo saari lahaa. Bal eeg labada dal ee aan dhexda ugu jirno. 

Dadka ku nool Itoobiya wuxuu ahaa 20 milyan oo kaliya sanadii 1960ki, 2005-tii wuxuu gaaray 72 milyan maantana waa in ka badan 90 milyan. Sidoo kale waxaa la saadaalinayo inay noqoto waddanka tobnaad ee dunida ugu dadka badan, tiro ahaanna noqon doono 210 milyan marki la gaaro 2050-ka. Garab dhig soomaalia oo ah dalka kaliya ee loollan kala dhexeyay intii adduun jiray. Qiyaaskii ugu danbeeyay  2014-ka waxaa lagu sheegay 12 milyan waxaana la saadaalinayaa inay gaari doonto 40 milyan sanada 2050. Bal adba go’aan ka gaar inay noo bannaan tahay inaan isa sii yarayno iyo in kale!

Mida sadexaad, waddamada gaalada ee aragtidaan faafiyo ilmaha uma dhalaan inay ku intifaacaan adduun iyo aakhiro toona. Ujeedka uguweyn ay ilmaha u dhalaan ayaa ah inay inta ay yaryihiin ku il qabowsadaan aragtidooda. Maalinta uu qaan-gaaro wax danbe oo qiimo ah ugama fadhiyo, warasaduna dib uma soo eegto waalidki dhalay. Si taasi ka duwan innagu ubadka waxaan u dhalnaa inay na anfacaan inta aan noolnahay; na xannaaneeyaan markaan gabowno; na quudiyaan hadday xoolo nagu dhaamaan iyo tan ugu muhiimsan oo ah inay aakhiro nagu anfacaan sida inay noo soo duceeyaan ama sadaqo noo soo baxshaan. Sidaa darteed hadba inta aad ilmo dhasho ayaad fursad u haysataa inaad nolol wacan ku noolaato markaad gabowdo. Haddii aan si kale u dhigo ubadku waa beeshinka aan u kaydsano inaan ku noolaano maraakn gaarno da'da howl-gabka (pension plan).

Tani kama dhigna in si masuuliyad darro ah loo ilmo dhalo oo raggu inta maalinba gabar xarig ku xiro ilmana ka daadiyo uu bannaan ooga dhaqaaqo. Ujeedka warqadaanna maahan in la dhiiri galiyo caruur iyo reero dayacan oo silac iyo saxariir ku koro balse ujeedka ayaa ah inaan la iibsan fikradan la rabo in lagu dabar gooyo ummada soomaaliyeed qayrkeedna looga reebo. 

Waxaan ka digayo ayaa ah in aad adigoo awoodo ku fakerto tiro yar oo tayo leh ayaa ka fiican toban canug oo iskool aan laga bixin karin. Ogow tayadu iyo tiradu ma kala haraan. Waa muhiim in la fahmo inaysan xoolo iyo xoog toona kuugu badanayn canug aad la dhali lahayd oo aad cabsi dhaqaale ooga tagtay.

Ugu danbayntii, Soomaaliya waa dal ay daashadeen colaado, xanuunno iyo abaaro aan kala go’ lahayn kuwaasoo kala reebay dadkeedi. Cimriga qofka soomaaliga waxaa lagu qiyaasaa 54 sano inuusan dhaafayn inta badanna waxaa dilo dar-xumo iyo colaad. Waxaa naga dhinto dad curdan ah dalkana wax u qaban laha, haddii aannan booskoodi dhaqso loo buuxinna si fudud ayaan ku dabar go’aynaa. Haddii aynu doonayno inaan aduunyada boos ku yeelanno, maqaam iyo maamuusna lana siiyo waa inaan dad tabcanaa, dalkana dad ka buuxinnaa.

Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com

Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/


Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *