Horumarka Gobalka Gedo: Dowrki Aadan Cabdi
Qarash
Afeef
Qormadaan waxaan ku eegi doonnaa dowrki uu
Adaan Cabdi Qarash ku lahaa horumarinta gobalka Gedo, gaar ahaan waxbarashada.
Inta aanan billaabin qormadan
waxaan is xasuusinaynaa in ujeedku qormadu uusan ahayn xayaysiin ama ammaan
shaqsiy gaar ah lala doonay, balse uu yahay mahadnaq aanu ugu mahad celinayno
dadkii ka qayb qaatay horumarinta dalkeenna iyo dadkeenna.
Xadiis sugan ayaa macnihiisu ahaa marki la
isu geeyo riwaayadahiisa kale duwan "Qofki wanaag loo sameeyo ha gudo,
haddii usan gudi karin ha sheeg-sheego, waayo qof ka sheego wanaaga loo galay
waa mahad-celiyay; qof kii qariyana waa ku kufriyay abaalki loo galay"
xadiis kale waa kii lahaa "Eebe kuma shugriyo qofkaan dadka ku
shugrin".
Sidaa darteed dhinac waxaan gudanaynaa
waajib na saaran dhinacna waxaan u mahad-naqaynaa dadkii abaalka noo galay.
Maadaama aanan u samayn karin wanaaga ay noo galeen oo kale, waa inaan ka
shakayno si aynu ugu dhaqanno xadiis kor ku xusan.
Dhaq-dhaqaaqi Aadan
Ilaahay addoomihiisu waxaa ka mid ah kuwo loo uumay u adeegida danta guud. waxay
si hagar la'aan waqtigooda, maskaxdooda iyo maalkooduba ugu bixiyaan
horumarinta aadanaha hadba inta ay awoodaan. Kuwaan lidkooduna waa jiraan oo
qaar ayaa ku mashquulsan hagardaamada iyo habsaaminta bulshada kuwa hore
horumarka la doonayaan. Laduba waa inagu jiraan kuwa danbe ayaase nagu badan,
inta badanna aan qiimaha iyo qadarinta siinnaa.
Qolada hore waxaa tusaale u ah mudanaha
aan maanta halkaan ku xusayno. Aadan waxa uu ku mashquulsanaa horumarinta
waxbarshada dagmada Ceel-cadee laga soo bilaabo 1993-di waqtigaas oo iskoolki
oogu horeeyay laga furay dagmada tan iyo marki ay dowladdi dhacday. Iskoolkaas
oo ka koobnaa labo qol oo cariishyo ah ayaa waxaa xaadiri jiray arday tobaneeyo
ah iyo labo macalin.
Laga bilaabo waqtigaas ilaa maanta waxaa
uu waqtigiisa u huray hagaajinta iskoolkaas meel walba oo uu joogo iyo duruuf
kasta oo soo wajahdo. Aadan waxaa uu soo galay Yurub bartamihii
shagaashameeyadi. Waqtiga uu yurub soo galay waxay ahayd waayadii dib u dhaca
iyo dhibaatooyinka badan wadanka ka jireen, gaar ahaan gobalka Gedo.
Dadki sagaashameeyadi soo galay wadamada
Galbeedku uma badnayn inay dalki dib u eegaan iskaba daa inay dan caam ah ka shaqeeyaane.
Labo arimood ayaa sabab u ahaa arintaan.Tan hore, inta badan dadki horay usoo
dhoofay waxay ahaayeen dadki caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn ka qaxay
waligoodna nolol iska roon oo dowlad gacanta u hayso arki jiray wadamadi ay
tageenna middi hore nolol ka fiican kala kulmay, sidaa darteed kuma aysan baraarugsanayn
in dhibka dalka ka jiray uu iyagu sugayo inay wax ka qabashadiisa.
Arinta labaad ayaa ahayd arimo dhowr ah oo
is kaashaday sida inay rajo xumo badan ay jirtay iyo midda ugu muhiimsan oo ah
xariir la'aanta dhex taalay qurba joogta iyo dadka intiisa kale. Ma jirin
taleefanno jaban iyo internetka hadda wax walba inoo fududeeyay sidaa darteed
qofki dadkiisa la hadlo inuu dantiisa gaar ah dhamaysto ayaaba qarash badan ku
ahayd oo uusan karin. Waa waagi Ceel-cadde qof ooga soo safri jiray inuu
Mandera oo 2oo KM u jirto taleefan ka tirsado. Waa waqtigi aanu u haysanay qof
ku nool Ohaayo iyo kan ku nool Siyaatal Washitoon inay daris is maqlo yihiin oo
farriin iigu dhiib la iska codsan jiray. Arintaas waxay sababtay in qof walba
tiisa mooyee tu kale uusan soo hadal qaadin, qurba joogtuna inta qoyskoodu soo
sheegto ku koobaan baahida jirto.
Arimaas waaqiciga ahaa waxaa garab maray
dad yar oo uu Aadan ku jiro. Aadan waxaa uu sabab u noqday inuu Ceel-cadde ka
dhigo dagmada kaliya ee Gedo ku taal ee leh wax-barashada asaasiga ah ilaa
kuleejo lagu barto culuum kala duwan. Arintaan kuma imaan sahal ee waxaa laga
maray dhib badan, kakanaan iyo wareer dhafoorro-hays leh. wax-barashada
Ceel-cadde iyo sida ay ooga qayb qaadatay horumarinta gobalka waxaan ku xusi
doonnaa qoraalo kale balse middaan waxaan si kooban ooga hadlaynaa ninki
sababta u noqday jiritaanka wax-barashadaas.
Aadan waxaa uu waqti badan galiyay in
Ceel-cadde hesho wax-barasho tayo leh. dagmada waxaa ka furraa kaliya dugis
hoose oo ay hay'ad ajanabi ah gacanta u hayso sidiisana ku tayo hooseeyo. Ma
jirin dugsi dhexe iyo mid sare toona. sidoo kale ma lahayn madaaris diimeed oo
macno leh. Waqtigi uu Aadan dadaalka billaabay wali Ceel-cadde waxay ahayd
tuulo oo dagmonimada waxaa la siisay waqtigii dowladdi AUN dowladdi Cabdullahi
Yuusuf. Halkaas waxaad ka fahmi kartaa dad ku noolaa intuu la egyahay
yariintiisa.
Inkastoo uu Aadan howlaha waxbarashada
gacmaha ku jiray ilaa 1993-di, hadana wuxuu sidii xidigii usoo iftiimay sanadi
labada kun. Iskoolka aanu sheegnay ee labada qol ahaa waxaa waa dhexe gacan ku
haysntiisa la wareegay hay’ad ay qurba joogtu oo uu Aadan xubin ka ahaa
aas-aaseen taasoo la oran jiray Iqra. Iqra oo labadi qol labo kale ku dartay, bixin
jirtayna mushaarka macalimiinta ayaa si lama filaan ah ugu tiri reer Ceel-cadde
isu tashada wax lacag ah idiinma haynee.
Go’aankaan lama filaanka ah wuxuu khatar
galiyay jiritaanka iskoolka maadaama wax meel usii yaalay aysan jirin. Aadan
waxa uu sida ugu dhaqsaha badan ugu howl galay badbaadinta iskoolka, waxaa uuna
dadaal badan galiyay inuu ka dhaahiciyo qurba joogta dagmadaas ka soo jeedo
inay isu tashadaan, arintaasna Eebe waa ku guuleeyay.
Caqabadihii Aadan isku gudbay
Caqabado badan oo wajiyo kala duwan leh
ayaa midba maalin meel bud kasoo dhahayay. Dhammaan caqabadahaas Aadan wuxuu
ooga gudbay dulqaad iyo xeelad mid walbana waxaa la dhameeyay iyadoo uusan dhib
ka dhicin. Tusaale, sanidihii xabashidu gobalka dagaalka ka hurisay dadki
dagmada daganaa waxay u kala qaybsameen labadi kooxood is haysay (SNF iyo
Ittixaad). Arrintaan iskoolka ayay si ba’an u saamaysay. Qolo walba raarkeeda
ayay furatay oo murtad caruurtayda wax bari mahayo iyo caruurtayda argagixiso
laga dhigi mahayo ayay waalidiinti ku kala andacoodeen. Aadan wuxuu xil weyn
iska saaray xalinta arintaas dadaal dheer ka dibna wuxuu ku guulaystay in
siyaasadda iskoolada laga saaro dibna la isugu soo celiyo iskoolki la kala raray.
Dhibaatada soomaali oo dhan haysato ee la
yiraahdo lacag ayaa la igu qaadanayaa kama badbaadin dadaalki Aadan waday. Waxaa
uu yiri isagoo ka hadlayo arintaas.
Waxaan
qarash badan iyo waqtiba ku bixinay inaan ka dhaadhicinno odayaasha deegaanka qaar ka mid ah inay caruurta wax bartaan. Waxaan xasuustaa mar aan taleefan
dhowr dal dad joogo iyo odayaan ka mid ah jiffooyinka dagmada dagan aan isugu
keenay. Dhamaan dadkaan qadka soo galiyay waxay odayaasha ka qancinayeen in aan
caruurtooda dantooda mooye dan kale aan lagu wadan.
Ogow caruurta bilaash ayaa wax lagu baraa
oo wax qarash ah lagama qaado, kaliya waxaa waalidiinta laga baryayo waa inay
ubadkooda dugsiga u diraan. Aadan dulqaad badan ayuu arrintaan u yeeshay
waxayna socotay muddo 13 sano ku siman. Dulqaadki Aadan iyo dadaalkiisi waxay
keentay in waalidiinti laga waayay bilaash caruurta wax ku barta ay maanta isla
iskoolki u quuraan $20 bishiiba (dugsiga hoose/dhexe $10).
Xagga qurbaha dadku uma tunayn inay wax ku
bixiyaan danta caamka ah gaar ahaan iskoolo aysan arkayn waxa lagu dhigo iyo
cidda gacanta ku hayso. Waxay howl aad u adag in laga dhaadhiciyo inay lacag
joogto ah ku bixiyaan qorshe caynkaas ah. Wax badan oo caawin lahaa sida in la
tusso sawiro, muuqaalo ama maqal odayaasha iyo dadka muxtrimka ah ayaan iyaduna
fududayn.
Waxay noqotay shaqadaas oo dhan inuu Aadan
qabto. Dhinac waxaa uu kala hadlaa odayaasha si uu ugu qanciyo baahida loo qabo
wax-barasho tayo leh kana qayb qaataan sidii lagu heli lahaa, dhinac waxa uu
kala hadlaa qurbo joog sidii ari goosan ah oo weer galay ugu kala firirtay
dunida dacaladeeda. Dhinaca kale, waxaa uu raadinayaa xog iyo macluumaad ku
saabsan sida ugu fudud oo lagu suura galin karo in la helo wax-barasho
wanaagsan.
2007-di ayaan habayn taleefan kula hadlay
anigoo ka raadinayo xog iyo talo inuu iga siiyo iskool aynu rabnay inaan ka
hirgalino Garbahaareey. Wax yaabhihii uu ii sheegay isagoo I tusaalaynayo
howsha I hortaalo dhibkeeda waxaa ka mid ahaa inuu yiri
"Waxaan
usoo martiyay nin ku noolaa dalka Jarmalka waqtigii aan ku jiray qalqaalada
iskoolka Ceel-cadde. Ninki subixii ayuu shaqo tagaa aniguna guriga ayaa sii
joogaa. Subixi sedexaad ayuu igu yiri ninyahow iga guur aniga xabsi ha ii
horseedine. sabab ayaan ku iri? wuxuu ku jawaabay waxaad ka shaqaynayso ayaan
ka shakiyay oo intaan oo kaar ah aad ugu hadasho". Labadi cisho ee
aan ninkaan martida u ahaa ugu yaraan 50 kaar ayaan ku hadlay, ninki waxaa uu
is yiri ninkaan wixiisu iskool ka badane howlo kale ayuu lugaha kula jiraa.
Marka uu intaas oo dadaal ah uu Aadan
galinayo inuu wax baro caruurta reer Ceel-cadde qaar ayaa ka shaqaynayay inay
kala dhantaalaan howsha uu hayo. Kooxdaan kuma aysan ekaan kaliya dacaayad inay
ka faafiyaan isaga iyo ururkiise ee sidoo kale waxay ku dacweeyeen dowladda uu
la noolyahay iyagoo ku eedeeyay falal ammaanka ka dhan ah inuu ka wado
Soomaaliya.
Dacwadaan waxay culays weyn ku noqotay shaqadi
uu Aadan hayay. Wuxuu caqabado badan iyo caga juglayn kala kulmay hay’adaha
ammaanka dalka ku noolyahay, waxaa su’aalo badan laga waydiiyay waxa uu ka
shaqeeyo iyo cidda uu la shaqeeyo. Laakiin intaas oo culays ah dhabar ayuu u
dhigtay shaqadi uu hayayna habayn kama uusan seexan, ugu danbayna waxaa
caddaatay barinimadiisa.
Intaas waxaa dheer in ayaanti Iqara
iskoolka gacanta ku haysay dad ay aad ugu dadaaleen inay joojiyaan lacagta uu
iskoolku helo. Waxay la hadleen cid kasta oo ay qusaysay ama wax un lacag u
bixiso hay’adda. Si ay u caddayn ugu helaan dacaayadooda waxay cajalo kasoo
duubeen dad dalki ku nool oo ku dooday iskoolka caruur hal jiffo ah ayaa wax
lagu baraa qof kalana looma ogola ee yaan lagu taageerin faquuqa iyo firsooca.
Arrintaan oo ahayd mid dhib badan Aadan
kama uusan didin, weerarna kuma uusan qaadin kuwii dhibka waday ee wuxuu wajahay
sidii loo dawayn lahaa dadkaa muxsiniinta ah ee laabtooda suntan lagu shubay.
Dhammaan dadki wax bixin jiray ayuu qof qof iyo qoysba ula shiray. Wuxuu usoo
qoray caruurta iskoolka dhigato iyo jilibyadda ay kasoo jeedaan taasoo
horseeday inay si fudud ku qancaan taageerayaashi Iqra.
Garboolow Iskool: Luuq
Wax qabadka Aadan kuma koobna Ceel-cadde
ee sidoo kale wuxuu saamayn ku leeyahay dagmada Luuq oo uu ka hirgaliyay iskool
hoose/dhexe. Furintaanka iskoolka Garboolow oo ku yaal tuulo 17km u jirto Luuq
ayaa ku dhacay si yaab leh oo aan horay looga baran dhulka soomaaliyeed.
Jaaliyaddi uu Aadan u qaabilsanaa arrimaha
waxbarashada ayaa lacag fiican aruurisay. Marki lacagti soo xarootay ayaa waxaa
is badal ku yimid meeshi marki hore loogu talagalay. Waxaa talo loogu noqday
sidii laga yeeli lahaa, gudigi intiisi badnaydna waxay isku raaceen in meel uu
Aadan u arkayay inay habboonayn lagu bixiyo lacagta.
G|o’aan dag-dag ah oo uusan dad badan ka
talo-galin ayuu qaatay wuxuuna lacagti iskool ooga dhisay tuulada Garboolow.
Aadan qaraabo qansax xattaa kuma lahayn tuuladaas. Laakiin wuxuu ogaa in baahi
ba’an oo waxbarasho ay ka jirtay dadka dagganna aysan awoodin inay iskool
furtaan. Waxaa u muuqatay caruur soomaaliyeed si fudud mustaqbalkoodi ku baaba’ayo
iyadoon cidna ka war qabin.
Go’aanki niyad samida ku dhisnaa ee Aadan wuxuu
noqday mid ciribtiisi la mahdiyay. Maanta iskoolki waxaa dhigato 140 caruur
soomaaliyeed ah wuxuuna ku egyahay fasalka shanaad. Wuxuu u helay dadka caawiyo
bixinta mushaaraadka macalimiinta iyo tashiilaadka kale ee iskoolku u
baahanyahay.
Dhinaca kale waxaa go’aanki gadaal ooga
farxay dadkii marki hore ka carooday taladi uu la garab maray iyo meesha uu
lacagta galiyay. Waxay ka garaabeen qaladkoodi oo ay qireen inuu dhib weyn u horseedi
lahaa ururka jaaliyaddu ku shaqayso.
Khulaaso
Aadan waxaa uu muddo ka badan 2o sano ka
shaqaynayay waxbarshada gobalka Gedo. Wuxuu suura galiyay isagoo kaashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada inay caruurta reer
Ceel-cadde helaan wax-barasho lagu faano. Wuxuu tusaale u noqday in badan oo
jecel waxbarashada iyo horumarka kuwaasoo ku dayday kana bartay ku shaqaynta
xaalado adag. Aniga gaar ahaan wuxuu i siiyay talooyin iyo tusaaleyn hagar
la’aan ahaa waqtigii aan ku mashquulsanayn hirgalinta iskoolka Amiir-Nuur ee
Garbahareey. Sidoo kale wuxuu safar usoo galay inuu xog siiyo lana wadaago
waayo-aragnimadiisa rag aanka wada shaqaynay taaba galinta Amiir-Nuur oo ku
noolaa Norway. Waxaa ka mid ahaa dadki ku dayday kana bartay maamulka iskoolka
Waabari ee ku yaal dagmada Balad-xaawo.
Ma fahmi karno wax-qabadka Aadan Cabdi
Qarash ilaa aan ogaano waxbarashada ka jirto Ceel-cadde sidaa darteed waxaa si
faahfaahsan ooga hadli doonaa iskoolada dagmda iyo sooyaalkodi haduu Eebe noo
ogolaado. waxaa xusid mudan inuusan Aadan kaligiis uusan qaban howshaan balse ay jireen dad qayb weyn ka qaatay guusha laga gaaray howlaha waxbarashada ee dagmada. dadkaas inshallahu intii suura gal ah waxaan ku xussii doonaa qormooyinka danbe
Ibrahim Aden Shire
20/09/17
Comments
Post a Comment