Skip to main content

Posts

Muqdisho Maxaa Ka Maqan?

Doodadda maqaamka Muqdisho maahan mid nagu cusub. Ilaa maalinti maamul goboleedyadu dalka ka bilowdeen, reer Muqdisho waxay u halgamayeen in magaaladu maamul goboleed noqoto. Ree Muqdisho ayaa ku doodayo in caasimaddu mudan tahay inay noqoto maamul la  mid ah Jubbaland iyo Koofur-Galbeed. Waxaa is waydiin leh waxa uu ku dhisan yahay rabitaankaan?
Anigu shaqsiyan waan fahmi waayay. Siyaasi darajada ugu sarrayso ee uu gaaro waa madaxweynenimo, magaalana maqaamka ugu sarreeyo ee gaarto waa caasimadda dalkeeda. Madax meel ka sarrayso oo la salaaxo ma jirto, muqdishana madixi ayay joogtaa ee xagee u socotaa?
In badan waxaa lagu doodaa, haddii  Banaadir maamul goboleed noqdo wuxuu noqon maamulkaas sida maamullada kale sidaa darteed wixii kasoo baxo dakaddeeda, ayrapoorkeeda iyo canshuuraha laga qaado dadkeeda iyada kaligeed ayaa cuni.
Ma is waydiinnay in sababta ayrapoorka Xamar iyo dakaddeedu lacagta badan u soo saaraan inay tahay maqaamka caasimadnimo ee ay haysato? Lacagta badan ee soo gash…
Recent posts

Dhul Boobka iyo Cawaaqibta Ka Dhalan Doonto

Tobanki sano ee lasoo dhaafay waxaa si xawli ah u kordhay dhulka bannaan ee dad iska oodanayaan. Magaalooyinka inta la iskala baxay ayaa dhulki xooluhu daaqi jireen la laan goostay iyadoo ka quud-darraynayo in maalin eegaas magaalo noqon doono.
Eebe ayaa dhulka uumay sida uu ku sheegay aayadaha 25-26 ee suuratul Mursalaat waxaa uu dhulka ka dhigay mid ku filan aadanaha inta nool iyo inta dhimatayba. Laakiin basharka oo ah mid lagu imtixaamay hunguri weynin iyo dhuuninimo ayaa aaminay inuusan dhulku la ekayn sidaas awgeedna ootay intuu u baahan yahay in ka badan.
Tirada dadka adduunka ku nool oo dhan waxaa lagu qiyaasaa 7.4 bilyan. Haddii sida New York looga dago, shucuubta adduunka oo dhan waxaa ku filan gobalka taxes oo Maraykanka u yaallo. Taxes inyar ayay Soomaaliya ka weyn tahay. Bal qiyaas haddii dadkoo dhan hal gobol la isugu geeyo inta dhul soo hari lahayd iyo sida looga faaiidaysan lahaa!
Saas oo ay tahay adduun meel walba dhul la’aan ayaa ka jirto. Wax la haysto dhulbaa u qaalis…

Naftiinna Ha Habaarina

Habaarku waxa uu ka mid yahay dagaalka lagalo noocyadiisa ugu halisan, habaarku waxa uu keenaa cirib xumo uusan keeni karin dagaalka gacanta ah, qofka la habaaray oo lala helay wuxuu sanado badan la baartaa cirib xumada iyo natiijada ka dhalato habaarka lagu gamay.
 Waxaa kale oo la arkay inuuba ka talaabo xuduuda qofka la habaaray oo uu u gudbo faraciisa illaa dhawr fac.
Habaarku waa noocyo badan yahay ee waxaa ugu halisan midka uu qofku mutaystay ee waalidka iyo qaraabada ay ku gantaalaan qofka.
Waxaa jiro mid aabi iyo gardarro ugu dhoco qof aanwaxba galabsan balse waalidkii uu ku halgaaday si qooq iyo iskawarqab la aanah ugu dhoco.
Midkaan danbe dad badan oo bari ah ayuu dhibaateeyey reero badan oo ladan oo saldanada xajinwaayey barwaaqada Allaah siiyey ku mahadeedii laga waayey  ayuu kooraha u gadiyey.

Inta badan wuxuu ka imaadaa waalid iskala waayey oo nimcadu ka badatay waxaad maqli heblo iyo hebel iyaga oo qoys buuxo ah ayay ishabaari jiteen caruurta habaari jireen, xoolaha habaari …

Ilmaha Badiya aan Badbaadnee

Waxaa ayaamahaan warbaahinta soomalida kusoo batay xayaysiimo looga gol leeyahay in lagu yareeyo caruurta ay dhalaan dadka soomaaliyeed. Mid ka mid ah xayaysiimahaas ayaa ciwaan looga dhigay “hooyo ubadka kala kori”. Ii-dhehdaan ayaa waxaa lagugu tusayaa hooyo kaligeed ah oo haysato caruur isku nuug ah, oo intii mid ay xafaayada ka badalaysay kii kale dabka kusii ordayo, markay kaas soo qabo dhahdo kii u jiifay sii cararayo dabadeed daal iyo noog dhinac ula dhacayso.

Sawirkaan oo lagu muujinayo dhibaato weyn oo ay qabaan hooyiyinka soomaaliyeed, tasoo oo ay sababtay ilmaha badan, ayaa waxaa ka qayb qaadanyo culumo akhrinayo aayado Qur’aan ah kuwasoo ay u daliishanayaan inay muhiim tahay in ilmo yar la dhalo iyagoo u dhigayo qaab ilmo-kala-korin ah.
Intaas waxaa dheer war bixin ay sida wada jirka usoo saareen UNICEF iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay qabaan caruurta iyo hooyooyinka soomaaliyeed dhibaatooyin badan sida dhimasho waqtiga foosha. Dhimashadaan ayaa sabab…

Jubaland: Candhalaa Curatay

waxaan marka hore caddaynayaa inaanan siyaasi ahayn, arrimaha siyaasadda ee socdo dhulkeennana aanan aad u danayn. Waxa iga quseeyo, halkaanna aan ooga hadli doono waa wixii la xariiro horumarka oo ah mid aan daneeyo xiiso badanna aan u qabo la socodkiisa.
Waxaa maalintii shalay ahayd la daah-furay xarunta khilaafaadka ee dagmada Garabahaareey. Xaruntaan ayaa noqonayso madal ay fadhiistaan odayaasha matalo qabaaillada dago dagmada Garbahaareey. Shaqada odayaasha ayaa ah inay xalliyaan wixii khilaaf ah ee ka dhex dhaco dadka ay mataalaan si looga maarmo maxkamad. 
Xarunta oo hadda lagu billaabay guri kiro ah ayaa waxaa maal-galin doono maamulka Jubalad. Maamulka oo gacan ka helayo hayado caalami ah ayaa wado inuu dagmo walba ka sameeyo xarun noocaan ah oo la shaqayso waaxda caddaaladda. Waxaa la filayaa in sanadkaan gudahiisa la dhisi doono xarun ay madashu leedahay odayaashuna ay qaadan doonaan mushaar joogta ah. 
Hadda, sidaan xogta ku helayo, waxaa la siin doonaa shaah iyo gunno ya…

Safarka Gobollada waa Tijaabadi Kowaad ee Rabitaanka Farmaajo Loo Hayo

Madaxweyne walba wuxuu xilka la wareegaa isagoo aad loo jecel yahay. Ayaamaha malabku waxay ku dhamaadaan si dhaqso ah, bilo gudahoodna waxaa bilowdo niyad jab ka dhasho fulin la’aanta ballammadi la qaado marka doorashada lagu jiray kuwaas oo aan xaqiiq ku dhisnayn.
Waddamada Galbeedku, waxaa la gala doorashooyinka dowladaha hoose, labo sano gudahood, halkaas ayaana laga ogaadaa in laga soo booday xisbiga talada hayo iyo in kale oo haddii wali la rabo xisbiga talada hayo ayaa ku guulaysto kuraasta ugu badan dowladaha hoose.
Si la mid ah madaxda adduunka, ayaa madexweyne Farmaajo rabitaan, uu hagayo rajada laga qabay fulinta ballan-qaadyadiisi, lagu qaabilay. Hasa ahaatee, muddo gaaban gudaheed waxaa si tax ah u dhacay dhacdooyin jareexeeyay madaxweynaha. Dhiibistii Qalbi-dhagax, qarixii 14ka Oktoobar, khilaafki maamul goboleeyada iyo weerarki guriga Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa dadka ku dhaliyay su’aalo badan.
Wariyayaal caan ah sida Jamaal Cusmaan iyo aqoonyahanno iyo diblomaasyiin he…

Maxaad ka ogtahay Isku daygii Boortaqiisku ku doonayay inuu Itoobiya ku siiyo Xeebaha Soomaaliya

Waxaa dhawaanahaan dhagaheenna ku badnaa in ay Itoobiya doonayso inay qaadato qaybo ka mid ah dalkeenna si ay u hesho dekat ay iyadu leedahay. Walwalkaan aan qabno waxaa keenay saamaynti xooganayd ee Itoobiya ku yeelatay dalkeennaa wixii ka danbeeyay burburki.
Hasa-ahaatee, damaca Itooobiya waa mid boqolaal sano soo jiray haddiiba uusan kun gaarayn. Itoobiya waligeed waxay ku tiillay halkeeda bad la’aanta ah, baahi badeedna waa qabtay. Sidoo kale, waxay ahayd masiixi maamul leh kuna xiran quwadihii reer Yurub ee diintu kala dhaxaysay. Sidaa darteed sida ay maantaba ula rabaan inay dhulkeenna wax ka siiyaan ayay kuwii waagaas jirayna wax ula rabeen walaalahood Itoobiya.
Laakiin soomaalida oo ah dad aan liicin sidaan qoramaadan https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/01/soomaalidu-waa-birlab-aan-jabin.html kaga warramay, ayaa la mari waayay si adagna dhulkooda u difaacday.
Jerónimo Lobo oo noolaa intii u dhaxaysay 1595-1678, wuxuu ahaa wadaad Booriqiis ah. 1621, waxaa loo xilsaaray inu…

Maktabadda garbahaarrey (Garbahaarrey library- مكتبة جربهاري)

Maktabbaddu waa maskaxda kaydiyaha qarsoon sida qofka uleeyahay maskax wax ku kaydsada ayaa makatabadduna ummad waliba ku kaydsataa aqoonteeda, afkaarteeda iyo dhammaan macluumaadka bulshada wax tarka u leh,waxaase u dheer in ay tahay muraayadda koobaad ee laga fiirsho bulshada, gaar haan markii larabo in la cabiro heerka aqooneed ee waddan-ka ama magaalada waxaa isha laga buuxsadaaa nidaaam-ka waxbarasheed iyo in ay leedahay goobo wax lagu akhrista sida Makatabadaha iyo matxafyada waa-weyn ee lagu kaydiya raad-raaca iyo dhaqanka dal-ka.
Tusaale ahaan sanadihii1960-1970 yadii waxaa tijaabo lagu sameeyay in laga yagleelo maktabado  dal-ka Ciraaq si loo qaado heerka waxbarasho iyo wax akhris ee dal-ka, natiijadi soo baxaday ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqaay, iyadoo ay soo baxeen jiil wax badan fahmasan, oo kaalin weyn ka qaatay isbedlka aqooneed ee dal-ka. Dhanka kale dawaladah reer galbeedka ayaa aad oogu dadaalo in ay u sameeyaan goob waliba oo dad isugu yimaado goob yar oo wax lagu ak…

Soomaalidu waa Birlab aan Jabin

Meel walba oo aad adduunka kaga nooshahay, haddiiba aad tahay Soomaali, waxaad maqli wax ku dhibo oo ku saabsan dalkeenna iyo dadkeenna. Dhammaan idaacadaha iyo jariiradaha adduunku waxay si aan kala har lahayn usoo bandhigaan wixii xumaan ah ee aan leenahay. Iyadoo laga yaabo in kuwo badan oo ka mid ah  waxa dadku naga sheegaan ay run yihiin, haddana si gooni ayaa naloogu ceebeeyaa waxyaabo badan oo adduunku nala wadaago. Dal walba xumaan iyo samaan ayuu leeyahay sidaas ayaana lasoo gudbiyaa, haddii dalku awood badan leeyahayna sida Maraykanka, wanaagiisa mooyee xumaantiisa maqli maysid. Laakiin innagu xumaanta kaliya ayaa bannaanka noo taal. Haddaba maxaan galabsannay?

Soomaalida dadkii la midka ahaa ee loogu talagalay inay isku mid noqdaan, dhammaantood waa lala helay wixii lala rabay marki laga reebo innaga iyo Afqaanistaan. Waxaan galabsannay waa kaliya inaan diidnay heeryada guumaystaha iyo inaan waligeen aan u taagnayn difaacidda diinteenna toosan.
Islaamku wuxuu ka dhashay jasii…

Contact Form

Name

Email *

Message *